Shirka  ayaa  saaka  dib  ufurmay  abaarihii  10 subxanimo sidii  caadiga  ahaa  waxaa  lagu furay aaayado Qur’aan ah  waxaana saaka laga warbixiyay xidhiidhka  rasmiga ah ee Jaaliyadu laleedahay Dowlada Southa Afrika iyada oo faah faahin badan laga bixiyay  arimaha siyaasada  ee wadankan  koonfur afrika oo ah wadan lasoo guumeysan jiray una nugul dadka dhibanayaasha ah ee madowga ah ee gumeysiga ku hoos nool. Shirka Saaka waxaa warbixin laga dhiibay  dacawadii lagudbiyey 7.2.2012 ee ka dhanka aheyd maamulka TPLF sidii  ay  kuqabsoontay oo ah mid hirgashay iyo  meesha  ay  hada  mareyso shir saxaafadeedkii iyo  xidhiidhka jaaliyada  laleedahay haayadaha caalamiga ah  iyo goobo kale oo muhiim ah.

Waxaa saaka qiimeyn buuxda lagu sameeyay warbixintii waxqabadka Jaaliyada JOKA ee 2011-2012. midas oo qiimeyn kadib lagu amaanay maamulka Suulboon ee toosna howlihii uu qabtay ummada sanadkaas.

Sida caadada u ah Jaaliyadaha Somalida Ogadeniya waxay sanad kasta qiimeeyn lagu sameya howlaha Jaaliyada waxayna doortaan guddi cusub oo howsha daadihisa iyo Maamul Cusub. Saaka waxa xilkii dhiibay Maamulki hore ee Jaaliyada JOKA iyo Xoghayaha OYSU ee JOKA. waxaana laguda galay oo lamagacabay gudi farsamo iyo Gudi doorasho oo shirka sii hagi doona dhameystirina doona howshan.

Halgame Muhumed Qonbaar ayaa loo doortay guddoonka  Gudida qabanqaabada ee shirkan hagi doona soona xulli doona maamulka cusub ee jaaliyada JOKA 2012-2013.

Hadda waxaa loo baxay Salaadi Jimce, waxaana la isuugu soo laaban doona kulan danbe iyo howlo ahmiyad gooni ah leh.

Omar Jig Jiga

South Afrika

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay