Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in xiisad aad uculus ay kataagan tahay xuduuda Gobolada Axmaarada iyo Tigreega, kuwaas oo isku haysta qaar kamid ah dadka shacabka ah ee daga xuduuda labada Gobol, qoomiyada Tigreega ayaa sheegata qoomiyada lagu magacaabo Qamatjinge oo hada katirsan Gobolka Axmaarada una dhashay qoomiyada Axmaarada.

Janaralo udhashay qoomiyada Tigreega ayaa lasheegayaa in ay dadaal ugu jiraan sidii 69 tuulo oo qoomiyada la isku haysto ay dagto loogu dhawaaqo lahaa deegaan cusub ama ismaamul cusub, waxayna doonayaan in ogolaanshaha ismaamulkaas kadib lagu daro dhulka Tigreega.

Qoomiyada Axmaarada ayaa dhankooda aad uga soo horjeeda ololaha ay qoomiyada Tigreegu wado ee ah in ay xoog iyo xeeladba kula wareegto qaybo bulshadooda iyo dhulkoodaba kamid ah, taas oo keentay khilaafka laba qoomiyadood.

Dhinaca kale gacan kahadal dhex maray qoomiyada Qamadjinge iyo qoomiyada Axmaarada ayaa lasheegayaa in uu gaystay khasaare xoogan oo aan wali lasoo faah faahinin, waxaana lasheegayaa in ay dhimasho iyo dhaawacba jiraan.

Dhinaca kale raysal-wasaaraha cusub ee gumaysiga Itoobiya ayaa doonaya in uu awoodiisa muujiyo isla markaana qoomiyada Tigreega awood dhimis kusameeyo si tartiib tartiib ah, waxaana lasheegayaa in uu kutalo jiro sidii uu xilkaqaadis iyo shaqo kafadhiisin isugu dari lahaa saraakiisha Tigreega.

Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa la ogaaday in uu shaqada ka fadhiisin rabo saraakiil badan oo isugu jira Tigree iyo Axmaaro, kuwaas oo sida lasoo warinayo awood aad uwayn kudhex lahaa kooxda talada wadanka xooga iyo xuurtada kuhaysata ee EPRDF.

Dhinaca kale waxaa difaac adag kujira saraakiisha Tigreega kuwaas oo og culayska siyaasadeed ee soo kordhay iyo qorshayaasha cusub ee Abiye Axmed uu damacsan yahay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay