Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana xarunta dhexe ee JWXO ayaa waxay sheegayaan dagaal adag oo ku dhex maray ciidamada Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya iyo kuwa saama laluudka ah ee gumaysiga Itoobiya, meesha lagu magacaabo Wartimire oo ka tirsan gobalka Jarar.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay meesha lagu magacaabo Wartimire oo ka tirsan gobolka Jarar. Dagaalkan ayaa waxaa lagaga dilay ciidamada gumaysiga Itoobiya 10 Askari, waxaana lagaga dhaawacay tiro aad u badan oo aanaan haynin intay dhantahay.

Ciidamada geesiyada ah ee JWXO ayaa waxay laban laabeen dagaalkii iyo weeraradii ay ku hayeen ciidamada Cadawga waxaana guud ahaanba dhulka Ogaadeniya laga dareemayaan dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog badan.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha kala soco wakaalada wararka Ogaadeniya.

ONA/Ogaadeniya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay