Shir si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa wuxuu ka dhacay xafiiska jaaliyada Edmonton ew wadanka Canada, shirkan ayaa waxaa lagu doortay maamulkii hagi lahaa  jaaliyada sanadkan 2018 iyo 2019.

Waxaa shirka hagayey gudoomiyihii jaaliyada Ogaadeniya mudane faarax mursal wuxuu halkaa ka soo jeediyey khudbad aad u qiimo badnayd oo ku saabsanayd wax qabadkii jaaliyada wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyey xubnihii maamulkiisa sida wanaagsan ula soo shaqeeyay iyo dhamaam jaaliyada Edmonton ee hal adayga muujiyay.

Gudoomiyuhu wuxuu halkaa shahaado sharaf ku siiyey laba xubnood oo uu usoo xulay hawlkarmimo dheeraad ah in ay muujiyeen wakhtigii adkaa ee uu gudoomiyaha ahaa waxaa kaluu halkaa kula dardaarmay maamulka cusub ee la dooranayo in ilaahay u fududeeyo hawsha adag ee ay umada u qaban doonaan.

Waxaa la guda galay doorashadii waxaana aqlabiyad buuxda lagu doortay mudane Cabdi Cali xirsi(c/raage) iyo Maamul aad tayo fiican u leh, waxaa shirka lagu soo dhaweeyey isku duwaha jaaliyadaha Canada mudane c/xakiin maxamed weli wuxuuna halkaa aad ugu mahadceliyey maamulkii hore ee jaaliyada wuxuuna soo dhaweeyey maamulkan cusub wuxuuna kula dardaarmay in ay ku daydaan hal adaygii ay la yimaadeen maamulkii hore

Waxaana ilaahay u baryaynaa inuu ku asturo xilkaa ay umada u qaban doonaan waxaa kale oo goob joog ahayd Dr’s Cibaado Xirsi Mahad oo hadal kooban halkaa ka soo jeedisay.

Waxaa ugu danbayntii shirkii lagu dooran hayay maamulka cusub kusoo dhamaaday si guul ah waxaana ilaahay ka rajayn haynaa inuu xilkaas u dhib yareeyo.

ONA/Edmonton.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay