Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhimatay labo qarax oo ka dhacay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, waxaana ka mid ah sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP iyo saxafiyiin kale oo duubayay dhacdada.

Qofka qaraxa gaystay ayaa adeegsaday mooto subaxnimadii Isniinta, wuxuuna ka dhacay degmada Shashdarak ee magalada Kabul ee caasimada dalka Afghanistan. Shan iyo toban daqiiqadood ka dib markii saxafiyiinta iyo wariyeyaashu ay tageen goobta si ay uga soo warramaan ayuu qaraxa labaad dhacay.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in la dilay sawir qaade sare Shah Marai oo shaqaalahooda ka mid ahaa. Wakaaladda wararka oo Twitter ku soo qortay ayaa sheegtay in si ula kac ah loo loo bartilmaameedsaday saxafiyiinta.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay