Maxkamad ku taala Baqdaad ayaa Axadii xukuno ku riday 19 haween ah oo u dhashay dalka Ruushka oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish.

Haweenkan oo ay intooda badan weheliyaan caruurtii ay u dhaleen dagaal-yahanada ka tirsanaa Daacish ayaa lagu eedeeyey inay kamid ahaayeen kooxdaasi Daacish. Maxkamada ayaa ku xukuntay xabsi daa’in dhamaan haweenkaasi ajnabiga ah, Maxkamada ayaa xabsi kaas u dhigma ku xukuntay 6 haween ah oo u dhashay dalka Azerbaijan iyo 4 kale oo iyaguna ka yimid wadanka Tajikistan.

Tan iyo markii laga guuleystay kooxda Daacish dhamaadkii sanadkii tagay xiligaasi oo laga saaray magaalooyinkii ay gacanta ku hayeen ayey ciidamada dowlada Ciraaq xabsiga dhigeen in ka badan 560 haween ah iyo in ka badan 600 caruur ah ee qoysaskii dagaalyahanadii kooxdaasi.

Maxkamada Ciraaq ayaa horey dil ugu xukuntay qaar kamid ah xaasaskii ay ka dhinteen qaar kamid maleeshiyaadka kooxda Daacish oo dalkaasi laga saaray dhamaadkii sanadkii tagay ee 2017.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay