Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa Isniintii war laga baahiyey telefishinka dowladaasi ku sheegay in Maraykanka wado ollole iyo duulaan ka dhanka wadankooda, isla markaana uu doonayo inuu adeegsado xulafada uu gobalka ku leeyahay.

Hadalada kulul oo ay hawada isu marinayaan Maraykanka iyo Iran ayaa sii xoogeystay todobaadyadii lasoo dhaafay, xili 12ka bishan May la filayo in Maraykanka uu shaaciyo go’aankooda ku aadan heshiiskii Barnaamijka nukliyeerka oo uu Donald Trump sheegay inuu isaga bixi doono.

Xoghayaha Cusub ee Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa Axadii iyo Isniintii safaro ku tagay dalalka Sacuudiga, Urdun iyo Israel oo uu kala hadlayey arrimaha dalka Iran.

Mr. Pompeo oo horey usoo noqday Madaxa sirdoonka Maraykanka ee CIA iyo waliba Lataliyaha Cusub Madaxweynaha Maraykanka Mr.Bolton oo dhawaan la magacaabay ayaa kamid ah xubnaha taageersanaa duulaan Maraykanka ku qaado Iran, raggan oo xiriir dhaw laleh Israel ayaa aaminsan in awooda Iran ee Bariga Dhexe ay sii kordheyso loona baahan yahay in cudud militari lagu xakameeyo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay