Dagaal dhinaca dekedaha ah ayaa ka socda Somalia, oo muddo dheer aheyd meel dunidu iska illowday, hami badan oo maalgashina aan loo heyn, dagaallo, bur-bur iyo dowlad la’aantii ay soo martay awgeed.

Haatan Somalia waxey dhexda kaga dhacday hardan u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo dhinac ah iyo Qatar oo taageero ka heyleysa Turkiga oo dhinac kale ah.

Loolankan ayaa salka kuhaya dhul balaadhsiga iyo isu awood sheegadka u dhexeeya wadamada khaliijka carabta. Soomaaliya ayaa noqotay masrax aan cidina lahayn oo lagu hardamo kadib markii ay noqdeen masuuliinta soomaaliyeed kuwo aan dalka iyo dadka toona dan ka lahayn oo masuuliyada ay hayaan ku fushada nahooda khaaska ah.

Saxaafada caalamka ayaa aad wax uga qoraysay marxaladan cusub ee Soomaaliya ay cagta saartay iyo saamaynta dambe ee ay ku yeelan karto mustaqbal dambe. Dakadaha Soomaaliya ayaa noqday kuwo baylah ah oo lagu baratamo taasoo cadayn u ah inaysan jirin wax dawlad layidhaahdo dalkeeda iyo dadkeedaba difaacan karta.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay