Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ammaanay, islamarkaana ugu yeedhay “mid cusub oo xiiso leh” sir cusub oo ay soo bandhigtay Israel, oo sida ay sheegtay muujineysa in Iran ay si qarsoodi ah u hormarineyso barnamaij Nuclear ah.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Washington ayaan Iran si rasmi ah weli ugu eedeynin inay ku xadgudubtay heshiiskii sanaddii 2015 laga gaaray barnaamijkii nuclear-ka dalkaas. Saraakiisha Mareykanka ayaa dib u eegis ku sameynaya waraaqo, sawirro iyo muuqaalo ay sirdoonka Israel sheegeen inay ka heleen barnaamijka Nuclear-ka Iran.

 

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii soo bandhigay sirta uu sheegay inay ka heleen barnaamijka Nuclear-ka Iran, taasi oo uu sheegay inay muujineyso in Iran ay u been sheegeyso caalamka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay