Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana gobolka shiniile ayaa waxay sheegayaan in kacdoonkii gobolka shiniile uu wali halkiisii kasii socda ayadoo gumaysiga Itoobiya uu ciidamo aad ugu badan ku daadiyay magaalooyinka gobolka shiniile oodhan.

Kacdoonka gobolka shiniile ayaa waxaa horkacaya dhalin yarada gobolka shiniile waxana maanta lagu xidh xidhay meesha Lagu magacaabo Afdam dhalin yaro aad u tiro badan kuwaasi oon helay qaar kamida magac yadooda waxaana kamid ah Muuse Kaamil, Mohamud Cali, iyo Mohamed Aadan oo la sheegay inciidamada gumaysiga Itoobiya ay aad ujidh dileen ayagoo udiiday xataa inuu wax daawo ah qaato.

Waxaa dhanka kale gumaysigu guryahooda ugu daateen qaar badan oo kamida dhalin yaradii kacdoonka waday magaalada shiniile ayagoo qaar kamid ah dhalin yaradaas xabsiga u taxaabay.

Iskusoo duuduuboo xaalada gobolka shiniile ayaa waxay wali ku jirtaa jawi kacdoon waxayna ciidamada woyaanuhu wadaan sidi ay ku cabudhin lahaayeen shacabka una joojin lahaayeen kacdoonka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay