Soomaaliya waa inay dedejisaa isbeddalada ay ku sameyneyso ciidamadeeda, waxaa sidaas yiri dalalka deeq bixiyayaasha kadib wada-hadal ay ka yeesheen horumarka gaaban ee laga sameynayo in ciidamada laga dhigo kuwo awood u leh inay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, Hadalkan kasoo baxay shir madaxeedka Brussels ayaa ku boorinaya Soomaaliya inay si deg deg ah uga shaqeyso wax ka qabashada arrimaha lagu cayimay warbixintii sanadkii tagey ay soo saareen dowladda, QM iyo Midowga Afrika.

Warbixintaas ayaa ciidamada xoogga Soomaaliyeed ku sheegtay “kuwa jilicsan oo leh talis iyo maamul tabar darran”, waxaana ay timid ayada oo ciidamada Amisom ay isku diyaarinayaan inay Soomaaliya ka baxaan sanadda 2020, amniga dalkana ku wareejiyaan kuwa Soomaalida.

Ciidamada Afrikan ah ayaa la billaabay in la dhimo sanaddii tagtay, waana kuwa inta badan la dagaalama maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarada ku haya Muqdisho iyo magaalooyinka kale. Kuwa taxliiliya arrimaha amniga ayaa ka digaya in ciidamo xoogga oo Soomaali ah la’aantood ay Shabaab dib usoo noolaan karaan.

Deeq bixiyayaasha ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamada Soomaalida lagu diiwaan geliyo habka faraha la iska qaado, loona sameeyo mushaar bixin ku dhisan habka elektorooniga. Hay’adda lacaga adduunka ee IMF ayaa ka shaqeyneysay in la sameeyo hab maamul wanaagsan oo maaliyaded, waxayna qirtay in dowladda Soomaaliya ay sameyneyso isbeddelo la isku raacay oo dusha lagala socdo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay