Waxaa wali halkoodii kasii socda mudaaharaadkii lagaga soo horjeeday gumaysiga Itoobiya gaar ahaana shirkad lagu magacaabo Midrock oo dahabka qoda taasoo contrate ku qaadatay inay dahabka kasii qadi karto dhulka Oromada gaar ahaana gobolka Guji.

Kacdoonadan ayaa waxay si gaara uga socdaan gobolka Guji waxaana lagu diidan yahay taliska woyaanaha waxaana shacabku ay ka gadoodsan yihiin Shirkada “Midrock” taasoo in dhawaa laba ku hawlanayd boobka ay ku hayso dahabka ku jira dhulka Oromada gaar ahaana gobolka Guji.

Shacabka Oromada ayaa waxay isu soo baxeen wadooyinka waxayna ku qayl yayaan erayo ka dhan ah xukuumada woyaanah.

Mudaaharaadadan ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay kusii fidaan dhulka Oromada oo dhan ayagoo ciidanka Woyaanuhu xoog saaray sidan u damin lahaayeen kacdoonkan soo laba kacleeyay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay