Wararka naga soo gaadhaya gobolka Shiniile ayaa waxay sheegayaan in kacdoonkii lagu diidanaa taliska woyaanaha iyo gacan yarayashooda uu wali halkiisii kasii socdo, gumaysiga Itoobiya wuxuu bilaabay sidii caadada u ahayd inuu cabudhin iyo xoog ku muquunin inuu u adeegsado shacabka Kacdoonka wada.

Gumaysiga Itoobiya ayaa dhanka kale wuxuu ergo u diray odayaasha gobolka shiniile kuwaasi oo ku gacan saydhay dalabka gumaysiga ayagoo sheegay inaysan aqbalayn wax gunimo ah.

Taniyo intii uu kacdoonku socday waxaa la xidhay dhalinyaro badan oo kamida dhalinyarada Barbaarta ee gobolka shiniile kuwaasoo qaarkood aan la ogayn ilaa iyo haatan meel ay geeyeen ciidanka woyaanuhu.

Taliska woyaanaha iyo gacanyarayaashiisa ayaa ciidamo badan ku daabulay gobolka shiniile gaar ahaana goobaha ay kasocdaan kacdoonka woyaanaha loogasoo horjeedo.

ONA/Shiniile.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay