Qiyaastii 900 oo hay’ado iyo ururro isugu jira oo dunida oo dhan ka hawlgala ayaa saxiixaya mucaahado gaar ah, taasoo lagu iftiiminayo wax ay ugu yeedheen dib u simbiriirixashada xorriyadda hadalka.

Ergooyin xusaya 25 guurada maalinta xorriyadda warbaahinta oo ka qayb galay shirweyne ay Qaramada Midoobay ku qabatay Ghana ayaa sheegaya in uu jiro sare u kac xagga weerarrada loo gaysto saxafiyiinta iyo bahdil ay ku sameeyaan xukuumado aan dulqaad lahayn.

Hay’adaha u dooda xorriyatul qowlka ayaa iyagana sheegaya in dilka xarigga, iyo cagajugleynta saxafiyiinta uu weli yahay mid aan waxba laga qaban. Hay’adda Amnesty International ayaa Turkiga ku tilmaantay dalka ugu horreeya dhinaca xarigga loo gaysto suxufiyiinta.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay