Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dire dhaba ee galbeedka Ogaadeniya ayaa waxay sheegayaan in maanta salaadii jumce kadib mudaaharaad balaadhan lagu qabtay magaalada Dire dhaba kaasoo lagaga soo horjeedo taliska gumaysiga Itoobiya ee woyaanaha.

Shacabka ku dhaqan magaalada dire dhaba ayaa waxay mudooyinkii ugu danbeeyay ba wadeen mudaaharaad ay kaga soo horjeedeen gumaysiga Itoobiya iyo kooxaha caganyarayaasha u ah.

Shacabka ayaa maanta waxay wateen boodhadh lagusoo xardhay erayo lidi ku ah xukuumada woyaanaha waxayna ku qaylin hayeen waxaan rabaa xornimo “we need Freedom” iyo erayo kale.

Mudaaharaadka ayaa wuxuu ka dhacay xaafado badan oo kamid ah magaalada dire dhaba, waxaana kamid ahaa goobihii uu dhacay inta u dhaxaysa kaalagii hora ilaa xaafadda sheekh xabiib.

Wararkan iyo waxa kordha dib ayaan idin kala socod siin haynaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay