Sida ay wararku nagusoo gaadhayaan taliska wayaanaha ayaa wuxuu isticmaalayaa kaarar kala duwan oo uu rabo inuu ku joojiyo kacdoonka lagaga soo horjeedo nidaamkiisa macangaga waxayna qorshaynayaan inay adeeg sadaan lacago, cabsi galin, iyo xadhig.

Waxayna rabaan inay dadka ku kala qaybiyaan ayagoo adeegsan haya hababkaas kala duwan ee aan soo sheegnay waxaana sida naloo shaagay in maanta ay soo gaadhay kooxo gumaysiga wakiil u ah waxaana kamida meelaha ay yimaadeen Shiniile, Biki, Ayshica, Erar, Hadhagaalo iyo Afdam.

Shacabka ku dhaqan gobolka shiniile guud ahaan ayaa waxay wadaan kacdoon ay kaga soo hor jeedaan taliska woyaanaha, kooxda dhaaraanka u ah taliska woyaanaha iyo ciidankooda ayaa waxay xidh xidheen dad shacab ah oo aad u badan waxayna wali ku hayaan xabsiyo kala duwan.

Dhanka kale waxaa isla maanta ka dhacay magaalada Dire dhaba mudaaharaad balaadhan oo woyaanaha lagaga soo horjeedo waxaana idin la socodsiin doonaa wixii kasoo kordha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay