Wararka nagasoo gaadhaya magalada jigjiga ee xarunta gobalka faafan ayaa sheegaya in shalay tuulada qoloji uu iska hor imaad kudhex maray shacabka tuulada iyo Koox hawaarin ah oo halkaasi kusugnayd.

Gacan ka hadalkan ayaa wuxuu imaaday kadib markii  ay banaan bax sameeyeen shacabka ogaadeniya ee tuuladaasi ku dhaqan ayagoo cabirayay dareenkooda gumaysi diidka ah kuna dii daayeen isticmaarka wayanaha iyo kooxda u adeegta ee ku dhaqan magaalada jig jiga kooxdan ayaa waxay damceen inay si qasab ah ku kala didiyaan dadka shacabka ah.

Dadka rayadka ah ayaa waxay wacad kumareen inay gumaysiga itoobiya kooxaha gumaysiga waxaana halkaas ku dhaawac may qaar badan oo kamid ahaa hawaarin waxaana dhaawac may 4 kamida hawaarinta.

Waxaan helay magaca sargaal ku sheeg kamid ahaa Hawaarintii oo goobta ku dhaawac may waxaana naloogu sheegay Mukhtaar maxmed kadleeye, mukhtaar ayaa ahaa waxay ugu yeedhaan Shaambalka ahaana horjoogihii koocda hawaarinta ah watay

Dhawicii iyo maydkii hawaarinta ayaa losoo qaaday Dhanka magaalada jigjiga warkan iyo waxa kasoo kordha lasoco

ONA/Jigjiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay