Wararka naga soo gaadhaya gobolka Axmaarada ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga ee ku dhaqan magaalada Gojam ay xabsiga u taxaabeen dad badan oo shacab ah kuwaasi oo ay uga shakiyeen inay qaban qaabin hayeen mudaaharaado lagaga soo horjeedo taliska woyaanaha.

Ciidamada loo yaqaano Commond Post ga ayaa magaalada gaaf wareegaya waxaana wali socda qab qabshada dadka shacabka ah dhanka kale waxaa sidoo ayadana ka socdaan dhaq dhaqaaq noocaasi oo kale ah magaalada Bahardar ee gobolka Axmaarada.

Taliska woyaanaha ayaa waxaa soo wajahday cabsi aad u xoog badan wuxuuna isku dayayaa inuu sii cimri dheeraysto asagoo adeegsan hayo xoog si uu bulshada usii cabudhiyo.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay