Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana magaalada Qabri dahare ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay isugu dareen shacabka ku dhaqan tuulada Dig dhac iyo xadhig waxaana laga dhacay dhamaan ba xoolihii ay wateen ayagiina waxaa loo taxaabay xabsiga.

Dadkan shacabka ah ee xabsiga la dhigay ayaa waaa nasoo gaadhay qaar kamida magacyadooda waxaaana helay Xuseen Ahmed Guleed,  Axmed Ismaaciil Dhabaney iyo ilma xaashi oo ah laba wiil oo walaalo ah.

Dadkan ayaa waxaa laga dhacay dhamaanba xoolahay wateen waxaana hada ku xidhan yihiin xabsi ku yaala tuulada Dig.

Gumaysiga Itoobiya iyo gacan yarayaashooda ayaa waxay laban laabeen dhibkii ay ku hayeen shacabka aan waxba galabsan ee soomaalida Ogadeniya waxaana ilaahay uga baryay naa inuu dhibaagada ka dulqaado.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay