Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Pakistan Ahsan Iqbal ayaa Axadii shalay lagu dhaawacay weerar lala beegsaday xili uu ku sugnaa isu-soo-bax ololihiisa doorashada.

Wasiir Iqbal ayaa ku sugnaa banaanbax ololaha doorashada oo ka dhacayey degmada uu kasoo jeedo ee Narowal ee gobalka Punjab, waxaana la sheegay in rasaasta ay uga dhacday garabka.

Qoyska Wasiirka ayaa sheegay in xaaladiisa wanaagsan tahay isla markaana qaliin deg deg ah lagu sameeyey.

Weerarkan ayaa loo qabtay hal qof oo ku sugnaa goobta, walow uu baaritaanka weli socdo sida ay sheegeen ciidamada booliiska.

Wasiirka ayaa ka tirsan Xisbi Xaakimka Pakistan Muslim League (PML-N) oo olole ugu jira in markale ay xilka qabtaan doorashada guud ee dalkaasi oo la qorsheeyey inay dhacdo bisha Luulyo (July).

Illaa iyo hada macada kooxda ka danbeysa weerarkan, inta badan weerarada ka dhaca dalkaasi Pakistan ayaa lagu eedeeyaa kooxda xagjirka ah ee Talibanka Pakistaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay