Wakaaladaha wararka ee aduunka ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 qof ay ku dhinteen weerar ismiidaamin ah oo Axadii lala beegsaday masaajid ku yaala dalka Afghanistaan oo ay ka socotay diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashada dalkaasi.

Weerarkan ayaa ka dhacay Masaajid ku yaala magaalada Khost ee bariga dalkaasi Afghanistaan, xili halkaasi ay diiwaangalin ka socotay kadib salaadii duhur. Weerarkan ayey sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof. Dalka Afghanistan ayaa lagu wadaa in ay doorashada Baarlamaanka ka dhacdo bisha Oktoober ee sanadkan, doorashadan oo marar badan dib loo dhigay.

Kooxaha Talibanka iyo Daacish ayaa weeraro kala duwan la beegsada goobaha lagu diiwaangalinayo dadka doonaya in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada. Hase yeeshee kooxda Talibanka ayaa sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn weerarkii shalay ka dhacay Masaajidka Khost.

Labo todobaad kahor ayey kooxda Daacish qaraxyo noocaan ah la beegsatay goobo dadka lagu diiwaangalinayey ee caasimada Kabul, weerarkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay