Hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Taliban ayaa ku baaqay nabad ka dhacda dalka Afghanistan. Baaqa kasoo yeedhay madaxa caddaaladda Taliban, Mawlawi Abdul Hokom ayaa ku yimid warqad uu u diray hoggaamiyaha kooxdaas Habtullah Akhundzada.

Hokom ayaa sheegay in dhammaan dadka Afghanistan oo ay ku jiraan kuwa ku nool goobaha ay kala maamulaan Taliban iyo dowladda Afghanistan ay ka daaleen dagaal, ayna doonayaan nabad.

Wasaaradda gaashaandhigga Afghanistan ayaa saxaafada la wadaagtay warqadda Hokom, oo laga soo diray gobolka Waqooyiga Bari ee Baghlan, waxayna sheegtay in xubno badan oo ka mid ah kooxda ay doonayaan nabad.

Ururka Taliban ayaa mudo dheer dagaal uu dhiig badani ku daatay kula jiray dawlada Afghanistan ee reer Galbeedku ay aadka u taageeraan gaar ahaan maraykanka. Taliban ayaa taageero iyo awood badan ku dhex lahaan jiray shacabka Afghanistan balse uu isbadal wayn ku yimid waayadan dambe.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay