Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Guji ee dhulka Oromada ayaa sheegaya xiisad xoogan oo u dhaxaysa ciidanka gumaysiga Itoobiya ee halkaas ka howl gala iyo dadka shacabka ah ee Gobolka Guji kudhaqan.

Sida xogta aan kuhelayno xiisada ayaa bilaabatay kadib markii dadka shacabka ah ee ree Guji ay is hor taageen howlo macdan baadhis ah oo ay shirkad xukuumada wayaanuhu ay leedahay kabilowday deegaanka Adhala oo Gobolka Guji katirsan.

Warka ayaa intaas kudaraya in ciidanka kibirka badan ee Agaziga looyaqaano ay rasaas ooda kaga qaadeen dadkii shacabka ahaa ee deegaanka Ahala kudibad baxayay, waxaana Wakaalada Wararka Ogadenia ONA looxaqiijiyay geerida 4 kamid ah dadkii shacabka ahaa ee dibad baxayay, waxaana lasheegayaa in uu dhaawucu aad ubadan yahay.

Dadka shacabka ah ee kabiyo diiday boobka hantida dabiiciga ah ee Gobolka ayaa lasheegayaa in ay jareen biyihii iyo korantadii, waxayna arintaasu keentay joojinta shaqadii sharci darada ahayd ee shirkadu ay kawaday Gobolka Guji.

Dhinaca kale kooxda TPLF ee talada wadanka lagasii faro maroojinayo ayaa bilaabay olole siyaasadeed oo saxada ay kaga saarayaan ururka ANDM ee Axmaarada ah, waxaana lasheegayaa in kooxdu ay dadaal ugu jirto sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd kooxda OPDO ee hada talada wadanka haya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay