Israel ayaa shalay sheegtay in diyaaradaheeda dagaalku ay duqeeyeen saldhigyo milatariga Iran ay ku leeyihiin gudaha dalka Syria, ayaga oo ka jawaabaya gantaaallo Iran ay kusoo riday ciidamada Israel ee haysta buuraleyda Golan Heights.

Israel waxa ay sidoo kale ka digtay in aysan u ogolaan doonin in halista Iran laga aas’aaso gudaha Suuriya, islamarkaana dowladda Suuriya ay mas’uul ka noqon doonto Wax walba oo ka dhaca gudaha dalkeeda.

Wasiirka gaashaandhigga Israel, Avigdor Lieberman ayaa sheegay in Israel ay duqeysay dhammaan saldhigyada Iran ee gudaha Suuriya. Iran ayaa waxa ay isbaheysi la tahay Suuriya, waxaana ciidamadeeda milatariga ay taageerayeen madaxweyne Bashar Al-Assad.

Russia oo sidoo kale taageerta Assad, ayaa ku baaqday in Israel iyo Iran ay muujiyaan isxakameyn, ayada oo madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron uu ugu baaqay labada dhinac in ay xiisadda qaboojiyaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay