Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Meles Alem ayaa maanta sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Samix Shoukri uu sii wado hadalo aan loobahnayn oo kadhan ah Wadahadalada biya xidheenka Itoobiya ee Abay.

Waxaa fashilmay wadahadalkii ugu dambeeyay oo dhaxmaray Masar iyo Itoobiya. wadahadalkaas oo la isku afgaran waayay dhamaan qodobadii laga wada hadlayay.

Samix Shoukri ayaa sijoogta ah uga hadla saamaynta uu biya xidheenka Ethiopia kuyeelan doono saamiga biyaha ay Masar kahesho wabiga Nile wuxuuna wasiirku sheegay in Itoobiya looga baahan yahay ilaalinta heshiiskii horaan ay ugaleen wadamada uu dhex maro wabiga Nile.

Sidoo kale Wadahadaladii ka dhacay Khartuum 6-dii Bishii March, 2018 ayaa fashilmay ​​kadib markuu mudo dheer kulan usocday saddexda wadan ee Itoobiya, Sudan iyo Masar kuwaas oo isla gaadhi waayay wax heshiis ah kadib markay Itoobiya ku adkaysatay siiwadida biyo xidheenka Abay.

Guul darada shirkii Wasiirada biyaha ee sadexda wadan kadib ayaa lasheegay in Wasiirka biyaha ee Masar uu ku baaqay shir cusub, oo laqabto 20kii bishii Abriil taas oo sida lasheegay xukuumada Itoobiya ay kugacan saydhay.

Ugu dambeyntii, saddexda wasiir ee biyaha ayaa isku raacay in ay ku kulmaan Addis Ababa May 15keeda sida uu sheegay Afhayeenka wasarada arimaha dibada ee Ethiopia, waxaana lasaadaalinayaa in wax hesiis ah aan laga gaadhi doonin biyaha wabiga Nile, maadaama oo Itoobiya aysan wadahadalka daacad ka ahayn.

Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo masar ayaa umuuqda mid kudambayn doona gacan kahadal iyo dagaal khadhaadh oo lagu hoobto waxaana lasheegayaa in Dowlada Masar oo aad uga awood badan Itoobiya ay diyaar utahay in ay talaabo mulatari kaqaado Itoobiya.

Dowlada masar ayaa horay usheegtay in ay dhimasho kaxigaan biyo xidheenka Ethiopia oo hirgala waxayna sheegeen inta halqof kanoolyahay in ay difaaci doonan saamiga biyaha Masar ay kuleedahay biyaha wabiga Nile.

Dhanka kale xukuumada gumaysiga Ethiopia ayaan inaba muujin haynin wax dabacsanaan ah waxayna sii wadaan dhismaha biyaxidheenka wayn ee Abay, iyagoo aan wax tixgalin ah siinin heshiisyadii horay loogalay.

Dhanka beesha calamka ayaad moodaa in ay lakala safanyihiin Masar iyo Ethiopia wadamada Sudan, Ugaadha iyo Jabuuti ayaa lasafan Ethiopia halka Eritrea iyo South Sudan oo ah meesha ugu sahlan Ethiopia laga weerarikaro ay Masar lajiraan, arintaas oo sahli karta dagaal wayn oo saamayn kuyeesha wadamada Africa.

Dhanka quwadaha aduunka Maraykanka iyo Israel ayaa Masar lajira waxayna taas kubadalan hayaan awooda Masar ay kuleedahay bariga dhexe iyo Africa in ay uga faaiidayso Danaha yahuuda iyo America.

Masar oo ah Dowlad aduunka samayn xoogan kuleh iyo Ethiopia oo ah goob masiixiyada lagu koriyo ayaa fooda isdari doona hadii aysan Ethiopia tanaasulin oo aysan joojinin dhismaha biyaxidheenka taas oo aan lafilaynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay