Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey ayaa sheegaya in uu kooxda TPLF uga furmay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen siyaasiyiin, odayaal, ganacsato, aqoonyahan, dhalinyaro iyo qaybaha kale ee bulshada.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda TPLF ayaa katashanaysa sidii ay gacantooda ugu soo celin lahaayeen xukunkii sida fudud looga fara maroojiyay ee gacanta ugalay kooxda Oromada ah ee OPDO, kaas oo kacdoon mudo socday ay qoomiyada Oromadu kula wareegtay.

Kooxda TPLF oo mudo 27 sano kabadan wadanka maamulaysay ayaa hada dareentay sida xukunkii looga wareejiyay iyo waliba sida loo bahdilay saraakiishii Tigreega ahayd ee mar wadanka katalin jirtay, waxayna kooxdu dareentay culayska siyaasadeed ee soo food saaray.

Shirkan oo aad looga sooqayb galay ayaa lagu qiimeeyay awooda ay qoomiyadu hada kuleedahay wadanka iyo waliba sida Oromadu ay ugu talo jirto in ay saaxada kasaarto, waxayna dadkii shirka kasoo qayb galay dhamaantood muujiyeen siyaasada cakiran ee qoomiyada Tigreega soo wajahday.

Raysal-wasaaraha cusub ee gumaysiga Itoobiya, Abiye Axmed Cali ayaa markuu xilka lawareegay qaaday talaabooyin dhowr ah oo uu siwayn ugu bahdilay qoomiyada Tigreega, oo mar ahaan jirtay awooda Koobaad, Labaad, iyo sadexaad, wuxuuna raysal-wasaaruhu qoomiyada Tigreega kala dagaalamay awoodii ay kulahaayeen golaha wasiirada.

Dhinaca kale waxaa la ugaadhsanayaa saraakiisha ciidamada wayaanaha ee kasoo jeeda qoomiyada Tigreega, waxaana ladilay tiro badan oo kamid ah saraakiisha Tigreega ah ee shaqooyinka gaarka ah uhayn jiray xukuumadii hore ee wayaanaha.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa Gobolka Owdal ee woqooyiga Soomaaliya lagu dilay 5 kamid ah saraakiisha wayaanaha kuwaas oo sida lasheegay xukuumadii hore ee wayaanaha lashaqayn jiray, sidoo kale waxaa isla shalay magaalada Dirdabe lagu dilay sargaal katirsanaa ciidanka sirdoonka wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay