Waxaa kulan koodii caadiga ahaa isugu yimaaday jaaliyada Ogaadeniya ee wadan Yemen waxaana kasoo qayb galay dhamaanba xubnaha jaaliyada Ogaadeniya ee magaalada Sanca, shirka ayaa waxaa lagu furay sidii caadada ahayd wacdi diini ah iyo aayado qur’aanka kariimka ah waxaana soo jeediyay Sheekh Axmed Shekh Abdirahman wuxuuna ka sheekeeyay fadliga bisha barakaysan ee ramadaanka ee inagusoo fooda leh waxaa kale oo ka hadlay halganka xaqa ah ee JWXO hormuudka ka tahay.

Intaas kadib gudoomiyaha jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Yamen Mudane Mohamed Xassen Ibrahim ayaa soo jeediyay khudbad aad u qiimo badan oo soo jiidatay kasoo qayb galayaashii shirka waxaa kale oo uu gudoomiyuhu kusoo dhaweeyay hogaanka warfaafinta Jaaliyada Mudane Ahmed Nuur asagoo shirka kusoo ban dhigay warbixin kahadlaysay xaalada guud ee halganka iyo shacabka Ogaadeniya sidoo kalana carrabka ku adkeeyay kacdoonada cusub ee wadanka Ogaadeniya ka socda.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa asaguna ka hadlay hogaanka Abaabulka Jaaliyada Mudane Farxaan Abdulaahi Colhaye asagoo kula dar daarmay shacabka Soomaalida Ogaadeniya in ay sii laban laabaan kaalinta halganka kaga aadan, waxaa asaguna shirka hadal kooban ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka gudiga Qaxootiga Soomaalida Ogaadeniya mudane Xaaji Abdi Xaliim wuxuuna ka hadlay midnimada iyo in lasii xoojiyo wada shaqaynta jaaliyada Ogaadeniya.

Shirka ayaa gaba gabadii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana soo xidhay gudoomiyaha Jaaaliyada Ogaadeniya ee Yamen.

ONA/Sanca.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay