Wararka naga soo gaadhaya magaalada Qabri dahare ee xarunta gobolka Qoraxay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo Maleeshiyaadka hawaarinta ay  taniyo shalay xabsiga u taxaabeen in ka badan 400 oo qof oo shacab ah tirada dadka xabsiyada ku jira ayaa la sheegay inay intaas ka badan tahay.

Maleeshiyaadka hawaarinta ee kaba qaadka u ah kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa sidoo kale waxay go’doon galiyeen magaalada sidoo kale waxayna jidh dil iyo garaac badan u gaysteen dadkii shacabka ahaa ee magaalada waxaana dhaawac soo gaadhay sida naloo sheegay 70 qof oo shacab ah.

Shacabka Magaalada Qabri dahare ayaa waxay ka gadoodeen kadib markii ciidanka woyaanaha ay xadhig ku dabeen gabadh kamida ahayd shacabkii  magaalada ku dhaqnaa.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay