Warar aan ka helay Wakaaladaha Wararka ee caalamiga ah ayaa tibaaxaya in Boosliiska Faransiiska laga soo xigtay in nin toori sitay uu dhowr qof oo waddo marayey ku tooriyeeyey badhtamaha magaalo madaxda dalka Faransiiska ee Paris, asagoo dilay hal qof dhowr kalana dhaawacay.

Waxay booliisku intaas ku darayaan in ninkii toorida ku hubaysnaa ay toogteen, weerarka ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Opera area oo ku taala badhtamaha magaalada Paris. Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo waramaya in la arkayey xaalad murugo leh, iyo qaylada dad barooranaya iyo sidoo kale dhawaqa rasaasta.

Ayadoo hoonka gaadiidka gurmadka dagdaga ahna la maqlayey, dawladda ayaa ammaantay jawaabta deg dega ah ee uu booliisku bixiyey iyo sida looga falceliyay weerarkan. Ayadoo faahfaahin arrintaas la xidhiidhana wali aan lahaynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay