Shirkii Faraca faafan oo Maanta kaqabsoomay Hoolka Shirarka ee Golf Hotel ayaa ugu horayn waxaa Wacdi diini ah kasoo jeediyay Sh. Maxamed Xuseen kadibna waxaa laguda galay Mowduucii doorashada oo ahayd Ahmiyada ugu wayn ee Kulankuba kusaabsiisnaa, waxaana la doortay 7 xubnood oo Gudi ah kuwaasoo Hogaamin doona Faraca inta udhaxaysa labada Shirwayne farac.

Doorashada kadib ayaa waxaa Madashada Shirka Qudbado dhaxal gal ah kasoo jeediyay Gudoomiyihii hore ee Xarunta dhexe JWXO Halgame Sulub Cabdi Axmed iyo Prof. Maxamuud Ugaas waxayna labada Xildhibaanba soo jeediyeen Warbixino waafiya oo aad loogu diirsaday waxayna ku Nuux nuuxsadeen sidii loo sii dardar galin lahaa Halganka Xaqqa ah ee ay ONLF Hormuudka ka tahay oo hada Gobanimo qarka usaaran, islamarkaana la isu sii daboraacin lahaa Gumaysiga Gabalkiisu sii dhacayo ee Wayaanaha Itoobiya.

Dhanka kale waxaa fikrado wan-wanaagsan & Talobixino muhiim u ah Geedisocodka Hawlaha Jaaliyada soo jeediyay Qaar kamida Xubnihii Shirka soo xaadiray.

Iskusoo wada duuboo kulankan doorasho ayaa ugudsnbayntii waxaa Maamulka cusub lagula dardaarmay inay dadaal daacadnimo kusii dhaqaajiyaan waajibaadka shaqo ee loo idmadey wuxuuna shirku kusoo dhamaaday jawi farxadeed oo aad udagan waxaana lagu wada balamay Hadal yar & Hawl badan.

ONA – Nairobi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay