Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ee gacanta gumaysiga Itoobiya kujira ayaa sheegaya kacdoono waawayn oo dadka gaadiid layda ah ee Gobolka Oromada kashaqaysta ay kadhigeen inta badan magaalooyinka waawayn ee Oromia.

Sida xogta aan kuhelayno darawalada gaadiidka dadwaynaha iyo kuwa xamuulka ayaa shaqo joojin iyo mudaharaad kabilaabay magaalooyinka Gobolka Oromia, waxaana lasheegayaa in uu mudaharaadku saamayn kuyeeshay isusocodka dadwaynaha iyo guud ahaan howlihii Gobolka.

Mudaharaadayaasha ayaa lasheegayaa in ay kacabanayaan xeer cusub oo xukuumada wayaanuhu ay kusoo rogtay gaadiid layda kashaqaysata dhulka Oromada, kaas oo sida ay gaadiid laydu sheegeen aqabad ku ah guud ahaan dadka baabuurta iska leh, gaar ahaan kuwa tagaasida looyaqaano ee magaalooyinka gudahooda kashaqeeya.

Wasaarada gaadiidka ee xukuumada wayaanaha ayaa soosaartay xeer adag oo cadaadis xoogan saaraya gaadiid layda, waxayna wasaaradu sheegtay in xeerkan uu si dhakhso ah u hirgali doono, iyadoo cidii kudhaqmi waydana laciqaabi doono.

Qaar kamid ah darawalada gaadiidka oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in xeerkan uusan lajaan qaadi karin shuruucda caalamiga ah ee gaadiil layda udagan, waxayna kudoodeen in xeerkan looga danleeyahay oo kaliya in dadka masaakiinta ah lagu dhibaateeyo.

Mudaharaadadan kabilowday dhulka Oromada ayaa laga cabsi qabaa in ay isu badalaan kacdoono waawayn oo xukuumada lagaga soo horjeedo, waxayna dadwaynuhu aad uga cadhaysan yihiin gaadiidkii ay adeegsanayeen oo lacadaadinayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay