Xukuumada Gumaysiga Itoobiya ayaa eedayn culus dusha usaartay dowlada ay dariska yihiin ee South Sudan, waxayna xukuumada wayaanuhu sheegtay in wadankooda laga burburinayo dhulka Sudanta Koonfureed.

Hadal calaacal iyo cabasho ah oo kasoo yeedhay xukuumada wayaanaha ayaa lagu sheegay in dowlada South Sudan ay marti galisay qaar kamid ah mucaaradka hubaysan ee Itoobiya, kuwaas oo sida uu wayaanuhu sheegay duulaano kasoo qaada dhulka Suudaanta Koonfureed.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya oo dhamaan wadamada dariska la ah shaki kaqaaday ayaa sheegtay in xukuumada South Sudan ay kobcinayso qaar kamid ah mucaaradka Itoobiya, waxayna xukuumada wayaanuhu sheegtay in ay cadaymo waawayn oo umuurtaas ku aadan hayso.

Dowlada South Sudan ayaa hadalka kasoo yeedhay xukuumada wayaanaha kutilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna xukuumada South Sudan sheegtay in uu hadalkaasu yahay daandaansi aan geed loogu soo gabanin.

Addis Ababa iyo Juba ayaa indhawaalabada is dhaafsanayay hadalo xanaf leh, waxaana lasheegayaa in uu aad hoos ugu dhacay xidhiidhkii labada xukuumadood ee dariska ah, taas oo kadambaysay ismaan dhaaf wayn oo ku aadan biyo xidheenka wayn ee Itoobiya ay kasamaynayso wabiga Nile.

Isku soo wada duub oo xukuumada wayaanaha ayaa indhawaalaba eedaymo isdaba joog ah usoo jeedinaysay dowladaha dariska la ah wadanka gumaysiga Itoobiya, taas oo kadhigan sicir barar siyaasadeed oo xukuumada wayaanaha lasoo daristay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.