Shiinaha ayaa Soomaaliya gudoonsiisay lacag gaadhay 1.5 milyan oo doller maraykanka ah taasi oo loogu gurmanayo dadka ay fatahaadu ku saamaysan dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka gudoomiyey kaalmadan lacageed, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Qin Jian. Safiirka ayaa xusay in dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ay leeyihiin saaxiibtinimo iyo walaaltinimo fog ayna ka go’an tahay iskaashiga iyo taageerada u dhaxaysa.

Shiinaha ayaa Soomaaliya ka caawinaya dhinacyada mashaariicda horumarineed, banii’aadminimo ,iyo amniga, waxaana xidhiidhka labada dal uu si rismi ah u bilowday December 14, 1960-kii xiligii ay Soomaaliya xornimada qaadatay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay