Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana magaalada dhagax buur ee xarunta gobolka Jarar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada woyaanaha iyo maleeshiyada hawaarinta ay dad shacab ah ku xidh xidheen magaalada Dhagaxbuur, dadkan shacabka ah ayaa waxaa laga la baxay guryahooda habeenimadii xalay ahayd waxaana loo taxaabay xabsiyada ciidanka woyaanaha ku lee yihiin magaalada Dhagax buur.

Hadaba waxaa nasoo gaadhay qaar kamida magac yada dadkan la xidh xidhay waxaana kamid ahaa Saadiq Muxumed, Xalimo Ciwal, Asiya Ahmed iyo Daahir Macaalin Mahad.

Magaalada dhagax buur ayaa waxaa ka socda xidh xidh iyo cabsi galin balaadhan oo ay ka wadaan ciidamada gumaysiga Itoobiya kuwaasi oo ka cabsi qaba inuu ka dhaco mudaaharaado looga soo hor jeedo gumaysiga Itoobiya.

Ciidanka woyaanaha ayaa waxay laban laabeen dhibaatadii ay ku hayeen dadka shacabka ah waxaana maalinba maalinta kasii danbaysa kasii daraysa xaalada dhibaato ee uu ku sugan yahay guud ahaanba shacabka Soomaalida Ogaadeniya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay