Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhagaxle ee Gobolka Faafan ayaa sheegaya kacdoono shacab oo waawayn oo hada kasocda gudaha magaalada iyo deegaanada kuxeeran.

Sida xogta aan kuhelayno kacdoonka shacabka ayaa bilowday kadib markii dhalinyaro abaabulan ay ay dhagaxtuureen maamul kusheega dabadhilifka ah ee gumaysiga u adeega, kuwaas oo indhawaalaba bulshada katakooraa.

Kacdoon wadayaasha kudhaqan magaalada Dhagaxle ayaa joojiyay gabi ahaanba isusocodkii gaadiidka waxayna mudaharaada yaashu dhagxiyeen xafiisyada maamul kusheega, iyagoo sidoo kalana dhowr baabuul qaliba ama gadiyay.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan Gobolada Shiniile, Faafan iyo deegaano kale oo Ogadenia kamid ah ayaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay waday kacdoono shacab oo ay kaga soo horjeedaan maamulka maqaar saarka ah ee Gumaysiga dhulka Ogadenia wakiilka uga ah iyo waliba cadaalad darada gumaysiga.

Dhinaca kale ciidanka aan akhlaaqda lahayn ee Layuu ga looyaqaano ayaa dhaawacyo ugaystay dad badan oo shacab ah, iyagoo qaar kala xidh xidhay, sidoo kale kooxda Hawaarinta ayaa boobtay hanti badan oo shacabku ay lahaayeen.

Dadka shacabka ah ee Soomaalida Ogadenia oo dulan aad ubadan lagu hayo ayaa hada umuuqda kuwo xaqooda si kasta kuraad sanaya, waxayna shacabku bilaabeen in ay kagadoodaan dhabaatada ay ciidanka Hawaarintu kuhayaan sidii ay uga gadoodeen dhacdadii Qabridahare.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.