Waxaa magaalada Qaza lagu qabtay aas loo sameeyay 58 qof oo Isniintii dhintay ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ku fureen rasaas dibadbaxayaal Falastiiniyiin ah.

Waa dhimashadii ugu badnayd oo halkaasi ka dhacda tan iyo dagaalkii 2014 ee gacanka Qaza ka dhacay. Aaska loo samaynayo dadkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo la xusayo 70 guuradii ka soo wareegtay waxa ay Falastiiniyiinta ugu yeeraan ”Nakba” oo ah markii ay tiradii ugu badnayd ee Falastiiniyiinta qaxaan ka dib markii la abuuray dal ay Israa’iil leedahay.

Ciidanka Israa’iil ayaa waxay sheegeen in ay isu diyaarinayaan iska hor imaadyo dheeraad ah oo Talaado ah. Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in milatarigiisu ay iska difaacayeen Xamaas oo jihaaddoon ah oo uu ku sheegay in ay doonayaan in ay burburiyaan Israa’iil.

Hogaamiyaha Falastiin ayaa cambaareeyay kuna tilmaamay “xasuuq”. Qaramada Midoobayna (QM) waxay sheegtay “in uu dhacay xadgud laga cadhoodo oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah”. Falastiiniyiinta ayaa muddo todobaadyo ah dibadbaxayay hasayeeshee dhimashada ayaa sare u kacday maalinta uu Mareykanka safaaradda ka furtay magaalada Qudus.

Rabshadahani ayaa imaanaya xilli magaalada Qudus uu Mareykanka safaarad ka furanaya taaso ka cadhaysiiyay shacabka Falastiiniyiinta. Ururka Xamaas ee ka talliya marinka Qaza ayaa waday dibadbaxyo ay ugu magac dareen ‘dibadbaxyadii soo celinta’ kaaso socday muddo lix toddobaad ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.