Norway- Waxaa xalay fiidkii magaaladda Oslo lagu qabtay munaasabad aad u balaadhan oo lagu xusayey maalinta xasuuqa Ogadenya (Ogaden Massacre Day). Xuska maalintan oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka dhalinyarada iyo ardayda Ogadenya ee dalka Norway (OYSU), ayaa lagu martiqaaday wufuud kala duwan oo ka kala socday hay’adaha xuquuqul insaanka ee wadamada Yurub, aqoonyahano ku xeel dheer arimaha bani’adminimada, maamulka Jaaliyadda iyo dadweyne kale.

Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii aduunka loo xasuusin lahaa xasuuqa ciidamad Woyaanuhu kawadaan dhulka Soomaalida Ogadenia, ayaa laga soo jeediyey war-bixino dhawr ah oo sheegayey heerka uu gaadhsiisan yahay dilka iyo kufsiga baaxadda leh ee ay geysanayaan maleeshiyaadka Itoobiya.

Maalinta xasuuqa Ogadenya oo dunida laga xuso sanadkiiba hal mar, ayaa sanadkan ku soo hagaagtay marxalad adag sida ay sheegayaan warbixinna gudaha ka imanay oy ka mid tahay warbixintii ay hay’ada Human Right Watch kasoo saartay gumaadka ka jira dhulka Ogadenya. War bixin dheer oo haya’ada HRW ay ka qortay xaaladda bani-aadminmo ee caalamka ayaa lagu cadeeyey in dhulka Ogadeenya ay ka socdaan xasuuq baalaadhan oo askarta Tigreegu u geysanayaan dadka reer-guuraaga, iyagoo islamarkaasna dab qabadsiinaya tuulooyinka la dagan yahay.

Warbixino ka xogwaramaya xaaladda Ogadenya ayaa goobta shirka laga soo jeediyay iyadoo wufuudii ka soo qaybgashay shirka la daawadsiiyay filimo ka xog-waramaya xaaladda ay ku sugan yihiin shacabka S.Ogadenya. Dadkii joogay shiraka ayaa muujiyey markay dhagaysteen warbixinadii ay soo bandhigeen dhalinyarada OYSU-Norway inay ka xunyihiin dhibaatada lagu hayo shacabka Ogadenya iyo sida uu caalamka uga aamusan yahay arimaha naxdinta leh ee shacabkaasi uu ku sugan yahay.

 

 

Mohamed Ilyas/ONA\Norway.

 

 
 

1 Comment

  1. daran doori says:

    Maanshaa Allaaah. Dhalin soo baxdaa taihiin dhankiinaa ka wada, Guusha gobonimo doonka ayaa iska leh. Gumaysigu ha dhaco ethiopia ha dhacdo, gumaysi raacu ha dhaco Ilaahayoow cisee ciidanka jwxo iyo calan sida yaashooda.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay