Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu Raysal-wasaare kusheega wadankaasu qaaday talaabo kale oo kadhan ah saraakiisha qooqay ee udhashay qoomiyada tirada yar ee Tigreega.

Sida xogta aan kuhelayno Abiye Axmed ayaa soo saaray wareegto uu xilka kaga qaadayo 5 kamid ah saraakiishii ugu sar saraysay maamulka wayaanaha kuwaas oo sida lasheegay gudoomay waraaqdii xilka lagaga qaadayay waxaana lasheegayaa in saraakiishan loodaba taagan yahay kiisas kale oo ay galeen.

Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa bilowgii magacowgiisa ba utafaxaytay sidii uu meesha uga saari lahaa maamulka madhalayska ah ee Tigreega (TPLF) wuxuuna olole balaadhan kuqaaday saraakiishii halbowlaha u ahaa kooxda dhiiga shacabka kaganacsan jirtay.

Sidoo kale xog rasmi ah oo ay heshay wakaalada wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in Abiye Axmed uu xilkii kaqaaday taliyihii ciidamada wayaanaha General Samore Yonis, kaas oo isaguna kasoo jeeda qoomiyada wadanka ku amar kutaaglayn jirtay ee Tigreega.

Dhinaca kale Raysal-wasaare kusheega cusub ee wayaanaha ayaamaalin nimadii shalay golihiisa wasiirada uqabtay shirkoodii caadiga ahaa, wuxuuna xubnaha wasiiro kusheega ah usheegay in Akoonti yadooda lagu samayn doono baadhitaan si loo ogaado waxa kujira iyo waxa kabaxa.

Isku soo wada duub oo Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa kutala jira sidii kooxda TPLF uu ugu badali lahaa kooxda uu isagu kasoo jeedo ee OPDO, kuwaas oo hada xukuumada wayaanaha kahaya xilalka ugu muhiim san.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay