Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in miciishadu ay aad sare ugu kacday iyadoo sida lasheegayo gaadhay meel aysan waayadan gaadhin.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa guud ahaan adanka gumaysiga Itoobiya laga waayay qaybaha kala duwan ee qudaarta, sida Basbaaskii, Baradhadii, Yaanyadii, Basashii iyo dhamaan noocyadii qudaarta oo dhan.

Sidoo kale waxaa guud ahaan wadanka gabaabsi ku noqday noocyadii kale ee cunada waxaana lagu soo waramayaa in qiimaha cuntadu uu gaadhay meel dadka danyarta ah aysan waxba iibsan karin, sidoo kale waxaa guud ahaan wadanka kajirta shidaal iyo saliid la’aan aad ubaahsan oo aan horaan loo arag.

Cuno iyo cabitaan la’aantan kajirta wadanka oo bilahanba soo jirtay ayaa timid kadib markii wadanka laga waayay lacagihii adkaa, isla markaana dadkii dibada wax kakeeni jiray ay lacagahoodii kushubteen Bangiyada aduunka, sidoo kale waxaa amuurta baasiin kusii shubay saraakiisha wayaanaha oo boob baahsan kuqaaday hantidii wadanka isla markaana guryo kadhistay wadamada dibada.

Dhinaca kale Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa saxaafada usheegay hadal afka baarkiisa ah isagoo sheegay in kumanaanka Itoobiyaanka ah ee wadanka dibada kaga maqan ay wadanka kusoo laaban karaan iyagoo sida uu sheegay kunabad gali doona hadii ay wadanka yimaadaan.

Abiye Axmed oo kulan layeeshay qaar kamid ah hogaamiye yaasha diimaha ayaa sheegay in ay soolaaban karaan saraakiishaa Dhargigu, sida Mingistu Hailemariam oo wadanka dibadiisa kunoolaa kudhawaad 27dii sano ee lasoo dhaafay.

Hadalkan kasoo yeedhay Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo aan laga filaynin in uu kahir galo wadanka gacanta gumaysiga kujira ee Ogadenia ayaan isha kuhayn doonaa sida uu uga hirgalo Itoobiya inteeda kale.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay