Wararka naga soo gaadhaya gobolka shiniile ayaa waxay sheegayaan in ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya iyo kooxaha ay ku adeegtaan ee hawaarinta ay dhalin yaro badan kala baxeen guryahooda iyadoo ilaa iyo haatan aan la ogayn meel la geeyay.

Dhalinyaradan ayaa waxaa lagala kala baxay magaalooyinka iyo tuulooyinka kala ah Ayshica, Shiniile, Dhangaga iyo Biya Qaboobe ciidanka woyaanaha ayaa waxay adeeg sanayaa xoog si ay u xakameeyaan kacdoonka lagaga soo horjeedo xukunkooda macangaga ah.

Hadaba waxaa nasoo gaadhay qaar kamida magac yadooda waxaana kamid ah
Cawale xusen (wadakariye)
Maxamad mashale(suldaan)
Barkhad celeye camir
Rooble wabari (xalawe)
Khadar muuse xadi
Axmed wali cumar daahir
Maxamed xasan tallan (cadani)
Cawale muuse buraale
Mustafe qorane
Maxamed xasan caynanshe
Abubakar nuur jamac
Cumar giire dharar
Guuled Cali cisman
Ismacil xaamud Cali
Axmed cisman jamac
Ismacil cadawe

Ciidanka wayaanaha iyo maleeshiyaadka qawlaysatada ah ee hawaarinta ayaa laba jibaaray xidhaygii iyo tacadiyada ay kuhayaan shacabka Dulman ee soomaalida ogaadeniya.

ONA/Shiniile.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.