Xalay oo bisha Ramadaan kow ahayd ayaa madaafiicda Hoobiyaha lagu garaacay degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho. Hoobiyaashan ayaan la garanayn halka laga soo ridey waxaana intooda badan ku dhaceen Xamar weyne. Mana macaddo khasaaraha ay gaysteen iyo halka bartilmaameedka u ahayd hoobiyaasha.

Ka hor inta aan la maqal dhawaaqa madaafiicda ayaa bombaanooyinka gacanta lagu weeraray guri uu degan yahay guddoomiyihii hore ee degmada Hawlwadaag Maxamed Abuukar Jacfar haatana ah sarkaal ka tirsan NISA, waxaana ku dhaawacmey laba askeri oo guriga waardiye ka ahaa.

Ururka al-Shabaab oo weli hawlgalo ka sameeya magaalada Muqdisho ayaa lagu yaqaanaa in ay kor u qaadaan weraradooda inta lagu jiro bisha ramadaan.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay