Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana dagmada Gaashaamo ee gobolka Jarar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo maleeshiyaadka dhaaranka u ah ee hawaarinta ay ku xidh xidheen odayaal magaalada Gaashaamo.

Odayaashan ayaa waxaa la sheegay inay diideen amar uga yimid kooxda jig jiga ee wakiilka uga ah gumaysiga Itoobiya xasuuqa iyo dilka shacabka soomaalida Ogadeniya oo ahaa inay jig jiga yimaadaan si ay warar been abuur ah ugu sameeyaan gumaysiga waxaana gaashaanka ku dhuftay odayaasha magaalada gaashaamo.

Hadaba arintan ayaa waxay keentay in xabsiga loo taxaabo qaar kamida odayaasha magaalada waxaana nasoo gaadhay magac yadooda Sheekh Ahmed Daahir aw Muuse iyo Xayi Aw Cismaan Guhaad.

Sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan magaalada Gaashaamo odayaasha  ayaa loo gaystay jidh dil intaan xabsiga la gaynin waxaana hada ku jiraan xabsi ku yaala magaalada Gaashaamo ayagoon helin wax daawo iyo gar gaar caafimaad ah toona.

Ciidanka woyaanaha iyo kooxda uu ku adeegto ayaa waxay laban laabeen dhibaatadii ay ku hayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha Ogaadeniya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay