Madaxa hay’ada Xaquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay (QM) ayaa sheegay in xasuuqii ka dhacay deegaanka Gaza ee Falastiin, Isniintii lasoo dhaafay ay ahayd dambiyo ka dhan ah xaquuqul insaanka iyo shuruucda caalamiga ah.

Zeid Ra’ad al-Hussein oo ah Madaxa hay’ada Xaquuqul Insaanka ee QM ayaa sheegay in dilka in ka badan 60 Falastiiniyiin ah oo ay Israel geysatay ay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah. Kulankan ka dhacay xarunta UN Human Rights Council ayaa sheegay in baadhitaan lagu sameyn doono dilalka ay ciidamada Israel u geysanayeen Falastiiniyiinta mudaharaadka ka waday Gaza lixdii todobaad ee lasoo dhaafay.

Dalalka Islaamka ayaa sidoo kale ol’ole ka wada QM si guddi baadhitaan arrintan loogu saaro, qoraalkaasi oo ay soo diyaarisay dowlada Pakistan oo shalay Jumcihii la hordhigay QM ayaa waxaa sidoo kale taageersan 47 wadan oo kale.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay