Ugu yaraan 8 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen kadib markii uu qof hubeysani rasaas ku furay shalay Jimcihii dusgi sare oo ku yaala Gobolka Texas ee dalkaan Mareykanka. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu madaxwaynaha Maraykanka Trump ku sheegay in xaaladda Texas aysan u muuqan mid wanaagsan.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay dugsiga sare ee Santa Fe ee magaalada Santa Fe oo ah magaalo qiyaastii 50-km dhinaca koonfur bari kaga beegan magaalada Houston. Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warantay in dadka dhintay ay u badan yihiin arday wax ka baraneysay Iskuulka ay toogashadu ka dhacday.

Taliyaha ciidamada deegaanka Harris, Ed Gonzalez ayaa sheegay in hal ruux ay u xidheen dhacdadani. Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo laga hayo qofka toogashada sameeyay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay