Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in gabi ahaanba lakala diray 12 gudi oo kamid ahaa maamulka fowdada ah ee kooxda talada wadanka ku amar kutaaglaysa ee EPRDF/TPLF.

Sida xogta aan kuhelayno Raysal-wasaare kusheega cusub ee wayaanaha Abiye Axmed ayaa soosaaray wareegto uu shaqada kaga joojinayo gudiyadan faraha badan ee sida muuqata aan wax micna ah kufadhiyin, kuwaas oo uu dhowr sano kahor magacaabay Raysal-wasaarihii maqaarsaarka ahaa ee shaqada kacararay Hailemariam Desaleng.

Gudiyadan lakala diray ayaa hada kahor waxaa hoos imaan jiray dhamaan wasaaradaha wadanka iyo hay’adaha kala duwan ee wadanka kajira sida ciidamada iyo qaybaha kale ee maamulka wayaanaha, waxayna gudigan sitoos ah uxukumeen xafiiska Raysal-wasaarihii maqaarsaarka ahaa ee shaqada iskaga dhuuntay.

Warka ayaa intaas kudaraya in shakhsiyaadkii gudiyadan xukumay horaanba xilkaqaadis loogu sameeyay si baalasha looga rifo rajiimkii horay usoo arimin jiray waxaana ragaas kamid ahaa Baraket Simun iyo Abadula Gameda oo labadaba horaan looga eryay xilalkii ay maamulka wayaanaha kahayeen.

Abiye Axmed oo dhawaan noqday Raysal-wasaaraha cusub ee wayaanaha ayaa umuuqda mid sixowli ah uga takhalusayay maamulkii hore ee wayaanaha oo ubadnaa kooxda TPLF ee mudada dheer talada wadanka xooga kuhaysatay, waxaana Abiye Axmed usuuragalay qaar kamid ah hamigiisa.

Dhinaca kale Raysal-wasaare kusheega cusub ee Itoobiya Abiye Axmed ayaa xilka qaadis kusameeyay kuxigeenkii waxa loogu yeedho Kilalka Herarida, kaas oo sida lasheegay kasoo jeeday qoomiyada Oromada, Gabisa Tesfaye ayaa lasheegay in uu mudooyinkii udambeeyay dhaliili jiray xisbi kusheega Oromada ah ee OPDO, oo umuuqda in ay badalayaan kooxdii TPLF ee Tigreega ahayd.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay