Ururka midawga Dhalinyarada & Ardayda Ogadenia ee OYSU laantiisa kahawl gasha Faraca M.Xorriyo ee xerada Ifo ayaa maanta oo Axad ah taariikhduna beegantahay 20/05/18 isugu yimid shirkoodii billaha ahaa .

Shirka oo ahaa midkii caadiga ahaa ee xubnaha ururka bishiibana mar laqabto ayaa maanta si wacan loosoo Agaasimay waxaana sidii caadiga ahaydba kulanka lagu daah furay ayaayado kamid ah Qu’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah wuxuuna sheekhu iyada oo lagu Jiro bisha barakaysan ee Ramadan aad ugu dheeraaday fadliga soomka iyo in labadiyo cibaadada iyo cabsida rabi ballantana la oofiyo .

Shirka waxaa kasoo qayb galay maamulka iyo inta badan xubnaha Ururka waxaana kulanka lagusoo qaatay qodobo dhawr ah oo loogu tala galay in ay xubnuhu kadoodaan waxayna xubnihii goobta yimid si hufan isula qaadaa dhigeen dhamaanba qodobadaas iyada oo ay falanqayn wakhti qaadatay kadibna kayool gaadheen qodob walba lagu bisleeyay meeshiisa.

Sidoo kale waxaa kulanka qayb ka ahaa aqoon korodsi iyo su,aalo la iska waydiinayay Taariikhda dhulka Ogadenia ee uu gumaysigu haysto iyo sidoo kale xeerarka iyo barnaamijka siyaasiga ah ee JWXO.

Ugu dambayntii kulanka ayaa kusoo gaba gaboobay jawi dagan iyada oo dhamaan hawlihii kulanka looga gol lahaana lagu guulaystay waxaana lagu ballamay in la dardar galiyo shaqooyinka halganka Lana fuliyo go,aamadii laysla qaatay inta udhaxaysa labada kulan .

Abdullahi Calanside
ONA/IFO.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay