Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar magaalada goday ee xarunta gobolka shabeele ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay dhac ka gaysteen dagmada mustaxiil ee gobolka shabeele.

Ciidanka woyaanaha iyo kooxaha gacan yarayaasha ayaa Xadiis Aadan Siyaad ka dhacay gaadhi u raraa oo ka yimid dhan kaas iyo magaalada dhagax buur sidoo kale xadiis laga dhacay dukaankiisa oo ku yaalan magaalada mustaxiil dukaan kii iyo wixii yaalayna waa laga la wareeegay.

Ninkan ciidanka woyaanaha iyo maleeshiyaadka waraabaha ah ee ay ku adeegteen hantida ka dhaceen ayaa ahaa ganacsade kamida ganacsatada magaalada sidoo kale waxaa ayadana Adhi ahmina laga dhacay Fardawsa mohamed inkastoo aanaan helin tirada dhabta ah ee adhiga ciidanka woyaanuhu dhaceen hadana waxaa naloo xaqiijiyay dhaca uu woyaanuhu u gaystay gabadhaas.

Gumaysiga Itoobiya iyo kooxaha macaan jecesha ah ayaa waxay laban laabeen dhibaatadii ay ku hayeen dadka shacabka ah ee soomaalida Ogaadeniya waxaana ilaahay uga baryaynaa inuu shacabkaas dhibaatada ka dul qaado.

ONA/Goday.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay