Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in khilaaf mugwayn uu dhex yaalo taliska wayaanaha iyo cawaantiisa oo dhinac ah iyo gacanyare yaasha wayaanaha u adeega ee magaalada Jigjiga fadhigoodu yahay.

Sida xogta aan kuhelayno khilaafka labada dhinac ayaa siixoogaystay kadib markii farsamo ahaan la isku afgaran waayay shir dib uheshiisiin ah oo magaalada Addis Ababa ladoonayay in loogu qabto qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo mudooyinkii lasoo dhaafay kudagaalamayay xuduuda Ogadenia iyo Oromia.

Taliska wayaanaha iyo kooxaha ay xulufada yihiin ayaa lasheegayaa in ay rabaan in shirku uu dhex maro odayaasha iyo waxgaradka Soomaalida ah ee kusugan magaalada Addis Ababa, halka maamul kusheega Jigjigana ay doonayaan in shirka ay uga qayb galaan qaar maamulkooda kamid ah iyo odayaal ay iyagu soo xusheen.

Dhinaca kale odayaasha Oromada ee Abaa Gadhaa looyaqaano ayaa sheegay in kooxda dhiiga faraha kuwadata ee Jigjiga aysan lakulmi doonin balse ay laxaaltami doonaan Odayaasha sharafta leh ee Soomaalida, kuwaas oo sida ay Odayaasha Oromadu sheegeen hadaba kusugan magaalada Addis Ababa.

Hase yeeshee kooxda dabaqoodhiga ah ee Jigjiga ayaa sheegay in aysan jirin Odayaal Soomaali matali karta oo Addis Ababa jooga, waxayna Odayaasha Soomaalida Ogadenia ah ee Addis Ababa kusugan kutilmaameen kuwo aan matalin shacabka Soomaalida.

Iskusoo wada duub oo Odayaasha qoomiyada Oromada ee Abaa Gadhaa ga looyaqaano ayaa sheegay in ay gabi ahaanba hakin doonaan shirkii nabadaynta ee Oromada iyo Soomaalida loogu qaban lahaa magaalada Addis Ababa, waxayna Odayaasha Oromadu kudoodayaan in aysan horfadhiisan karin maamulkii dhibka gaystay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay