Donlad Trump Jr oo ah wiilka ugu wayn caruurta uu dhalay Trump ayaa bishii Agoosto 2016 la kulmey ergay ka socotay dalalka Imaraadka carabta iyo Sucuudiga, kuwaas oo ka tirsan qoyska Boqortooyada ee dalalkaas, kulanka waxaa markii u horeysey qoray joornaalka New York Times, waxaana u xaqiijiyey qareenka wiilka Madaxweynaha ee Trump Jr.

Kulanka waxaa soo qaban qaabiyey mid kamid ah kuwa dhaqaalaha ku bixiya xisbiga Jamhuuriga isla markaana ahaa aasaasihii shirkaddii Black Water Mr Erik Prince, waxaana ka qaybgalay George Nader oo ah nin u dhashey dalka Lubnaan oo haysta dhalashada Maraykanka iyo Joel Zamel oo ah nin u dhashey dalka Israil kaas oo leh shirkad khibrad dheer u leh shabakadaha isku xira bulshada ee loo yaqaan Social Media.

Shirkadda uu lee yahay ninka u dhashey dalka Israel ayaa malaayin dollar waxaa ku siiyey dalalka kahliijka sidii ay u sameyn lahayd malaayiin koonto oo been abuur  ah kuwaas oo laga taageero Trump oo u samayn lahayd waxa loo yaqaan “manipulation campaign”. Ninka soo abaabuley kulankan Erik Prince ayaa xiriir dhaw la leh dalalka Khaliijka gaar ahaan dalka Imaraadka carabta.

Laga soo bilaabo 1974, Mareykanka wuxuu mamnuucay muwaadiniinta ajnabiga ah in ay lacag siiyaan musharixiinta siyaasadda, kadibna waxay joojiyeen in ay deeq lacageed siiyaan xisbiyada siyaasadeed, shakhsiyaadka ajaanibta ah. Shuruucda maalgelinta ololaha ayaa sidoo kale mamnuucaya in muwaadiniinta ajnabiga ah ay isku dubaridaan ololaha doorashada iyo inay iibsadaan xayeysiin.

Muddo sanad ah ayaa ka soo wareegtey markii la magacaabey ergayga gaarka ah Robert Mueller ee baadhaya kiiska la xidhiidha farogelinta doorashadii maraykanka ee uu ku guuleystey Trump taas oo markii hore loo hasytey dalka Ruushaka oo keliya haddase ay soo baxayaan dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga inay lug ku lahaayeen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay