Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaan magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada woyaanaha ay dad shacab ah ku xidh xidheen tuulada Laan Jaleelo oo kamida tuulooyinka gobolka Doolo.

Ciidanka woyaanaha oo kaa shanaya maleeshiyaadka wax magaratada ah ee gumaadka iyo xasuuqa ku haya shacabkooda ayaa waxay xalay habeenimo kala baxeen guryahoodii dad shacab ah waxaana sida la sheegay la geeyay xero ciidanka woyaanaha ku lee yahay tuulada Laan Jaleelo.

Shacabkan la xidh xidhay ayaa waxaa nasoo gaadhay qaar kamida magac yadooda waxaana kamid ah Haadi Ahmed Yaasir iyo Maymuun Cumar waxaa kale oo naloo sheegay in maxaabiistan jidh lagu sameeyay.

Ciidanka woyaanaha ayaa waxay mudooyinkii ugu danbeeyay wadaan dhibaatooyin badan oo ay ku hayaan dadka shacabka ah ee aan is difaaci karin gaar ahaana haweenka odayaasha caruurta iyo dhalinyarada.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socon siin doonaa.

ONA/Wardheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay